(requires Windows Media Player)
“Ku soo Dhowoow Aalada Internetka ee War-Gelinta Caruurta Sheffield”
Addeeggyadan bilaashka ahi waxa ay siiyaan warbixin waalidiinta, daryeelayaasha iyo shaqaalaha la shaqeeya caruurta.
Waxa aanu ku siin karnaa liisto ay ku qoran yihiin addeeggyada daryeelka caruurta oo ay ka mid yihiin xarumaha xanaanada, xarumaha lagu cayaarsiiyo caruurta iyo guryaha lagu hayo caruurta. Waxa kale oo aanu warbixin kaa siin karnaa waxyaabaha lagu maaweeliyo caruurta sidda meelaha ay waalidiintu ku maaweeliyaan caruurta, dabaasha, xarumaha cayaarsiinta caruurta, meelaha ay booqan karaan caruurtu iyo dhacdooyinka maaweelada ah ee ka socda magaalada looguna talo galay caruurta.
Waxa aanu la xidhiidhin karnaa waalidiinta cusub ama kuwa sugaya ilmo dhalanaya ururo ka caawin kara gunooyinka. Waxa kale oo aanu kuu soo diri karnaa warbixino khuseeya xuquuqda aad leedahay iyo sidda loo dalbado Gunooyinka Waalidiinta Shaqeeya.
Haddii qoyskaagu u baahan yahay caawimo dheeraad ah, waxa aanu kuu tilmaami karnaa ururo ku caawiya. Waxa kale oo aanu leenahay Addeeggyo la yidhaahdo SIGN/TILMAANoo ku takhasusay baahiyaha caruurta iyo dhalinta leh baahiyaha caafimaadka ama naafada iyo waalidiintooda, daryeelayaashooda iyo shaqaalaha la shaqeeya ee daryeela.
Waxa aanu siin karnaa warbixin dadka xiiseynaya in ay la shaqeeyaan caruurta. Waxa aanu haynaa warbixin kaa haqab tireysa fursadaha tebabarka la shaqaynta ama daryeelkacaruurta Sheffield. Waxa kale oo ku yaala sabuurada wargelinta ee xafiiskayaga Leopold St iyo Aalada Internetka ee War-Gelinta Caruurta Sheffield shaqooyin ku saabsan la shaqaynta caruurta.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan addeeggyadan, fadlan kala xidhiidh addiga oo wacaya tilifoonka ah:0114 275 6699.
Si aad ula hadasho shaqaalaha ku hadla Afka-Soomaaliga fadlan wac:0114 275 8876.